opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Donald Trump oo looga shakiyay inuu xaday codad badan

donald-trump-iowa-reuters-800x430
FacebookTwitterGoogle+Share

Shaki laga qabo doorashadii Mareykanka ee uu ku guuleystay Donald Trump ayaa soo baxaya, iyadoo khubaro dhinaca Kombiyuutarka ku taqasusay ay shaaciyeen khaladaad ka jira dhinaca tirinta codadka dhowr gobol.

Khubaradan ayaa Hillary Clinton ku booriyay inay codsato dib u tirinta saddexda gobol ee kala ah, Pennsylvania. Wisconsin iyo Michigan.

Xeel-dheerayaasha Computerada ayaa sheegaya inay heleen caddeymo buuxa oo muujinaya in wadarta codadka laga dhiibtay saddexdaas gobol si khaldan loo xisaabiyay ama la xaday, iyagoo kooxda ololaha u waday Hillary Clinton u gudbiyey warbixin dhameystiran oo arrintan la xiriirta.

Madaxda Jaamacadda University of Michigan xarunteeda Computer Security and Society, J. Alex Halderman oo ka mid ah khubarada warkan soo saaray ayaa sheegaya in khaladaad badan oo ay hareeyeen Mishiinada codadka tiriya ee sadex gobol kuwaasoo shaki gelinaya sida loogu kalsoonaan karo natiijada ay soo saareen.

Hillary Clinton ayaa ka fiirsaneysa iney qaadato iyo in kale go’aan ay ku dalbaneyso dib u tirinta codadka Gobollada shakiga laga muujiyay, iyadoo la sheegayo haddii dalab noocaas ah ay soo gudbiso Hillary Clinton ay khal khal ku keeni karto guusha uu gaaray madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Trump oo haatan isu diyaarinaya inuu la wareego aqalka cad ee dalkaas looga arrimiyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook