opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Doorahada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo maanta ka dhaceysa Jowhar

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe doorashada xubnaha aqalka sare ee maamulka Hirshabelle.

Xubno ka badan labaatan ayaa ku tartami doona sideeda Kursi ee maamulka Hirshabelle kaga soo aaday aqalka sare, waxaana ku jira raga tartamaya siyaasiyiin caan ah oo horey xilal sare u soo qabtay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in maanta gelinka dambe la dooran doono Xubnaha Aqalka sare, halka gelinka hore khudbadaha Musharaxiinta la dhageysanayo.

Doorashadan oo lagu waday iney shalay dhacdo ayaa dib loo dhigay ka dib markii madaxweynaha Hirshabelle iyo xildhibaanada maamulkaas qaarkood ay isku qabsadeen isbedel lagu sameeyey liiska musharaxiinta oo laga tiray xubnaha qaar, xubno kalena lagu soo daray.

Maamulka Hirshabelle ayaa noqonaya maamulkii ugu dambeeyey ee dooranaya xubnaha aqalka sare, iyadoo maamulada kale ee dalka ka jira ay dhamaantood hore u soo doorteen xubnaha uga midka noqonaya aqalka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook