opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose oo Garoowe ka bilaabatay

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa hadda ka billaabatay magaalada Garoowe ee caasumada Puntland.

Guddiyada Doorashada Puntland iyo Heer Faderaal ayaa ku kala sugan xarumaha Jaamacaddaha Barriga Africa & PSU oo ay doorashadu si toos ah uga socon doonto.

Guddiga qaban-qaabada ayaa hadda wada xaadirinta Ergada beelaha oo dooranaya Xildhibaanadii ugu horeeyey oo agu soo doorto nidaamka Dad-ban ee ay isku raaceen Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Soomaalida.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana gaadiidka iyo dadweynahaba loo baarayaa si dhug leh, iyadoo laga feejigan yahay fal kasta oo amaan darro oo ay isku dayaan kuwa ka soo horjeeda Amniga & Horumarka Puntland.

5-ta Xildhibaan ee ugu horeeya waxaa ku tartamaya Shaqsiyaad ka socda Beesha Warsangali iyo Beesha Madhibaan, waxaana socda loolan adag oo saameyntiisa laga dareemayay magaalada Garoowe saacadihii ugu dambeeyey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook