opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dowladda Kenya oo sheegtay iney xertay Qaxooti fara badan oo Soomaali ah+COD

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay Qaxooti Soomaaliyeed ,kuwaa soo gaaraya 22 qof , waxaana dadkaasi la qabtay xilli ay ka talaabaayeen xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Uganda.

Dadka ay sheegtay in ay xirtay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen lix haween ah iyo sidoo kale 16 caruur ah.

Taliyaha ciidanka booliska Saldhiga Lorugum Charles Rono ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo si sharci daro ah ku safraayay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay xireen darawalkii waday gaariga ay saarnaayeen dadka Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dalka Uganda.

Charles Rono oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa yiri “ dadkaan waa Qaxooti Soomaaliyeed , waxaad u jeedaan in ay doonaayeen in ay si sharci daro ah uga gudbaan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda , lakiin waxa ay inoo sheegeen in ay u socdeen Xero Qaxooti Warqadihii Aqoonsiga ee loogu tala galayna ma wataan , miyaysan muhiim aheyn hadii ay safraayaan in ay qaataan aqoonsiyo , ammaanka xadka labada dal aad ayaa loo adkeeyay , marka cidkaste oo u socota xiro qaxooti ama ka imaanaysa waa muhiim in ay wataa warqadaha ay xeradaasi ku joogtay “ sidaas waxaa yiri Taliyaha ciidanka booliska Saldhiga Lorugum Charles Rono.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan darawalkii lagu helo , isagoo xadka u dhaxeeya Kenya iyo sidoo kale Uganda u kala gudbinaaya Qaxooti Soomaaliyeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook