opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Faafaahin Kulan ka Dhacay Garoonka Gaalkacyo oo Markale lagu Heshiiyay in…

11
FacebookTwitterGoogle+Share

Garoonka diyaaradaha ee Galkacyo ayaa galabta waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Galmudug, Raysal wasaarada DFS, xubin matalaysay QM oo wakiil u ah Michael Keating, Taliyaha Ciidanka Puntland Jen. Siciid dheere iyo Gen. Qaybdiid.

Warbaahinta Wardoon.net ayaa ogaatay in kulankii galabta oo qaatay muddo saacad ah lagu lafa gurayey sidii ugu yaraan loo xoojin lahaa xabad joojinta loona fali lahaa Qariirad wada hadala oo dhamaystiran.

Kulankaan ayaa waxaa ay madaxdu ka doodeen sida ugu macquulsan ee xabadda lagu joojinlahaa, waxaana ay isla garteen in la hir galiyo nidaamkii kala durkinta Ciidamada, iyada oo loo marayo wado isu soo dhawaynaysa laba dhinac, taas oo ay labada dhinac isla fahmeen ugu danbayntii, hase yeeshee aan wali lasoo bandhigin.

Warbaahinta Wardoon.net ayaa ogaatay in labada Madaxweyne ay caawa kulamo la leyhiin saraakiisa Ciidamadamadooda, si ay ugala tashadaan qaabkii la isu waafajin lahaa nabadda iyo tabashada dhinacyada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta Wardoon.net u xaqiijiyey, in haatan ay muuqato san saan isu soo dhawaansho, ayna suura gal tahay in guulo laga gaaro wada hadalada haatan biloowday.

Maalinka bari ah ayaa la filayaa in ay madaxdu yeeshaan kulan labaad, kaasoo diiradda lagu saari doono sidii loo hirgalin lahaa, qodo badii laga wada hadlay caawa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook