opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Faah faahin cusub oo laga helay Qaraxii Muqdisho +COD

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa qarax xoogan uu ka dhacay magaalada muqdisho ku dhintay sarkala u shaqeynayay Dowladda isutaga Imaaradka carabta.

Sarkaalka dhintay oo somaali aha ayaa la xaqiijiyay in gaari UU qarxay xili uu marayay isgoyska Maano-boolyo ee degmada shibis ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo si weyn loga maqalay degmada shibis, ayaa waxa dhinaca kale goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.

Sarkaalka oo aan magaciisa weli aanan helin ayaa waxa uu kamid ah sida la sheegay saraakiisha la shaqeysa safaarada imaaraadka carabta ay ku leeyihiin magaalada muqdisho.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in sarkaalkaan uu sido kale tawabare ka aha ciidamo imaaraadka ay ku tawabarayaan qeybo kamid ah magaalada muqdisho.

Gaariga uu watay Allaha u Naxariistee Sargaalka dhintay ayaa ahaa Kaarib,waxaana uu kula Qarxay Isgoyska Maana-boolyo ee Magaalada Muqdisho.

Sargaalka ayaa la sheegay in Dhaawac ahaan looga qaaday Goobta uu ku Qarxay gaariga uu watay,balse uu u dhintay Dhaawacii soo gaaray sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook