opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Fallanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Horyaalka EPL Ku Dhexmaraya Kooxaha Man Utd Iyo Arsenal

man-united-vs-arsenal1
FacebookTwitterGoogle+Share

Laba ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka England Premier League Manchester United iyo Arsenal ayaa galabta foodda isku dari doona kulan ka tirsan ciyaaraha wareegga 12aad ee Premier League, kaasoo geedka Africa laga daawan doono 3.30pm.

Xiisaha ciyaartaan markasta heer sarre ayey aheyd, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu dib u dhac ku yimid Man United sannadihii ugu dambeeyey. Xifaaltanka shaqsiga ah ee u dhexeeya tababare Jose Mourinho iyo Arsene Wenger ayaana sarre usii qaadi doona xamaasadda kulankaan.

Wiilasha Wenger oo leh 24 dhibcood ayaa kaalinta 4aad uga jira kala sarreynta Premier League, halka ay kaalinta 6aad fadhiyaan wiilasha Mourinho oo leh 18 dhibcood isla markaana si xun ku bilowday xilli ciyaareedkaan. Tababaraha kooxda ka dhisan Old Trafford ayaana laga yaabaa inuu kulankaan u adeegsado dagaal uu la galo ninka ay sida weyn u xifaaltamaan ee Arsene Wenger.

MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Eric Bailly iyo Antonio Valencia ayaa wajihi doona taam ahaanshiyo xilli dambe ah taasoo cadaadiska kusii kordhineysa tababare Mourinho oo arka inay kooxdiisu ka jilicsan tahay dhanka daafaca.

Chris Smalling iyo Luke Shaw ayey dhowaan isku dheceen Mourinho, laakiin Special One ayaa laga yaabaa inuu kulankaan ciyaarsiiyo daafaca dambeedka bidix ee reer England Shaw.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ganaax ku seegaya ciyaartaan ka dib markii uu qaatay jaallihiisii shanaad ee xilli ciyaareedkaan kulankii ay wajaheen Swansea City, kabtan Wayne Rooney oo cadaadis fara badan uu saaran yahay ayaana laga yaabaa inuu hogaamiyo weerarka Man Utd.

Dhanka Arsenal, taageereyaasha Gunners warka ugu xun ee usoo yeeray waa dhaawac yar ee soo gaaray Alexis Sanchez intii uu ku jiray waajibkiisa Chile. Xiddigii hore ee Barcelona ayaa bartamihii Isbuucaan wajahay Uruguay, shaki yar ayaana ku jira ka hor kulankaan.

Per Mertesacker, Lucas Perez iyo Danny Welbeck ayaa weli saaran miiska dabiibka Arsenal, halka Santi Cazorla ay u badan tahay inuu seego ciyaartaan. Hector Bellerin ayaa sidoo kale muddo afar Isbuuc ah ka maqnaan doona Arsenal, Carl Jenkinson ayaana laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankiisii ugu horreeyey ee Premier League xilli ciyaareedkaan.

MA OGTAHAY?

Man Utd iyo Arsenal ayaa 16 gool iska dhaliyey shantii kulan ee ugu dambeysay, waxaana xusid mudan inay Man Utd 3-2 ku badisay markii ugu dambeysay ee ay kulmeen bishii February ee horraantii sannadkaan.

Guushii 8-2 aheyd ee ay Man Utd ka gaartay Arsenal bishii August 2011kii ayaa ka mid ah ciyaaraha horyaalka Premier League ee mugdiga u ah tababare Arsene Wenger.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): De Gea; Darmian, Blind, Jones, Shaw; Fellaini, Carrick; Pogba, Rashford, Martial; Rooney.

ARSENAL (4-2-3-1): Cech; Jenkinson, Mustafi, Koscielny, Monreal; Coquelin, Xhaka; Walcott, Ozil, Iwobi; Giroud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook