opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Faroole oo sheegay in Doorasho aysan dhici Karin Inta Dagaalka Gaalkacyo socdo“Dagaalkan Mid qabiil maaha +Cod

craxmaan-faroole
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynihii hore ee Puntland kana mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay dagaalada kusoo laalaabtay magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay uu ahaa Midkii ugu Khasaaraha Badnaa.

C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dagaalada magaalada Gaalkacyo ay saameyn adag yeesheen loona baahan yahay in labada maamul ka shaqeeyaan joojinta colaada muddada qaadatay.

Wuxuu Sheegay in xubnaha aqalka sare ee matalaya Galmudug ay kala shaqeyn doonaan sidii looga qeyb qaadan lahaa joojinta colaada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya ayuu sheegay haddii la doonayo in muhiim tahay joojinta dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, madaxdana looga baahan yahay iney tagaan magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in masuuliyad weyn ka saaran tahay dagaalada ka dhacaya magaalada oo dad badan ku dhinteen kuna barakaceen.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook