opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug “Mareykanka ayaan ka rabnaa khasaaraha Duqeyntii Gaalkacyo”+Cod

cisman-ciise-nuur-taar-dhuleed
FacebookTwitterGoogle+Share

Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay Duqeyntii Gaalkacyo oo dhowaan ay qirteen Dowladda Mareykanka in ay ku dileen Ciidamo Galmudug ah.

Waxa uu sheegay Mareykanka in laga doonayo in ay bixiyaan magdhowga Askartii Maamulka Glamudug looga dilay Duqeyntii 28-kii September ka dhacday Degaanka Jeexdin.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan warka ka soo yeeray Mareykanka ee ku aadanaa in Degaanka Jeexdin ay ku dileen Askar Galmudug ah.

Ugu dambeyntii Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa Ciidanka Maamulka Galmudug ugu baaqay in ay si weyn u sugaan amniga, sidoo kalena ay ka hortagaan weerarada Shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook