opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug oo ka hadashay Doorashada ka socota Cadaado +Cod

maxamed-cabdi-xaashi
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Cadaado in ay marayaan meel wanaagsan, sidoo kalena ay u socdaan si habsami leh.

Maxamed Cabdi Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Doorashada Golaha shacabka in ay soo gaba gabeyn doonaan maalmaha soo socda.

Waxa uu sheegay in hada ay soo dhamaadeen shirarkii meelaha kale lagu qaban jiray, oo si toos ah loogu soo jeestay Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado sidii loo dar dar gelin lahaa.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ee xarun KMG u ah Maamulka Galmdudug ayaa la sheegay in musuq maasuq uu ka jiro, inkastoo warkaasi uu beeniyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook