opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug oo runta u sheegtay Dowladda Mareykanka +Cod

guuleed
FacebookTwitterGoogle+Share

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Galmdug ayaa ka hadlay Warqad la sheegay in ay kasoo baxday Dowlada Mareykanka, waxaana Warqadaasi lagu dhaliilayay sida ay u dhacday doorashada labo Xildhibaan oo katirsan Aqalka hoose oo lagu doortay magaalada Cadaado.

Afhayeenka Guddiga Doorashada dadban ee Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa sheegay in Warqada lagu baahiyay baraha Bulshada iyo Websetyada ay tahay mid been abuur ah , waxa uuna intaasi raaciyay in warqadaasi faafiyeen dad dano gaar ah leh.

Waxa uu xusay Afhayeenka in labada Xildhibaan ee warqada lagu xusay ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sifo sharci ah lagu doortay, waxa uuna meesha ka saaray in marnaba lagu laabanayo Doorashada labadaasi kursi.

”Warqada la faafiyay waa been abuur, waxaana u sheegeynaa dadka warkaasi wada in aysan jiri doonin kuraas la doortay oo dib loogu noqnayo si mar kale loo doorto, doorashada waxa ay u dhacday si hufan oo sharci ah, doorashada waxaa leh oo is dooranaya Soomaali si cadaalad ah ayeyna u dhacday ” Ayuu yiri Afhayeena Galmudug ee doorashooyinka.

Hadalkan kasoo baxay Guddiga Doorashooinka Galmudug ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan la faafiyay Warqad la sheegay in ay kasoo baxday Dowlada Mareykanka oo lagu dhaliilayay qaabkii ay u dhacday doorashooyinkii lagu doortay Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xidhibaan C/Qaadir Gaafow.

 

 

 

dacwad-habarceyno dacwad-habarceyno1

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook