opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gobolo Maraykanka ka tirsan oo bilaabay dib u tirinta codadkii doorashadii Madaxweynaha +Video

donald-trump
FacebookTwitterGoogle+Share

Gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka ayaa bilaabay dib u tirinta cadodkii laga dhiibtay doorashada madaxweynaha ee dhowaan la qabtay ka dib shaki soo baxay.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay arin khiyaamo ah ku tilmaamay dib u tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Wisconsin.

Trump ayaa sheegay in Hillary Clinton ay markiiba aqbashay natiijadii ka soo baxday gobolkaas oo Trump guushu ku raacday codad aad u yar.

Xisbiga Green Party ayaa si rasmi ah u codsaday in lagu noqdo tirada si loo hubsado in kooxaha kombiyuutarada jabsada aysan ku lug ku lahayn natiijada doorashada.

Donald Trump ayaa intii uu socday ololihii doorashada wuxuu dhalleeceyn jiray sax ahaanshaha hanaanka doorashada Mareykanka, wuxuu sheegay xilligaasi in wax is daba marin ay jirto, wuuna diiday inuu caddeeyo inuu natiijada aqbalayo haddii laga guuleysto.

Musharrixii Mr Trump sida weyn ula tartantay, Hillary Clinton waxay markii hore rabtay inaysan dood gelinin natiijada doorashada.

Balse kooxdeedii u qaabilsaneyd ololaha waxay shaaciyeen inay go’aansadeen inay la saftaan xisbiga kale ee The Green Party.

Khubaro dhinaca kombiyuutarada ah ayaa sheegay iney khaladaad badan oo shaki weyn abuuri kara ay ku arkeen mishiinada codadka tiriya ee sadex gobol.

Haddii codadkan dib loo tirinayo ay ka soo baxaan natiijo ka duwan tii hore waxay khal khal ku keeni karaan guusha Trump uu ka gaaray doorashada madaxweynaha Maraykanka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook