opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Goormee ayay Dhaceysaa Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somalia? +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay qaabka ay u socdaan Doorashooyinka Dalka.
Waxa uu sheegay Doorashooyinka hada in ay u socdaan si habsami leh, sidoo kalena Guddiga Doorashooyinka ay mar walba la socdaan meelaha ay marayaan Doorashooyinka.

Abuukaate Dhegey ayaa waxa uu sheegay in maalinta beri ah ay la kulmi doonaan Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka, si ay uga dhageystaan Dacwooyinka iyo Tabashooyinka ay hayaan.

Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Doorashada Beelaha Banaadiriga in ay bilaabaneyso 30-ka Bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah, isagoo sidoo kale sheegay in isla maalintaas loo tartami doono Saddex kursi, waxaana Beelaha Banaadiriga ay leeyihiin 5 kursi.

Sidoo kale waxa uu sheegay 30-ka Bishan wixii ka dambeeya in ay bilaabi doonaan bixinta shahaadooyin la siinayo xildhibaanada, kuwaas oo cadeynaya xubinnimada Baarlamaanka.

Mar uu soo hadal qaaday hakinta Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in loo joojiyay go’aano siyaasadeed, sidoo kalena dib loo bilaabi doono.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) ayaa waxa uu sheegay in 6-da Bisha December wixii ka dambeeya ay cadeynayaan Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook