opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guddoomiyihii guddiga doorashoooyinka maamul goboleedka Puntland oo is-casilay

k-1
FacebookTwitterGoogle+Share

Gudoomiyihii guddiga doorashada Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) ayaa maanta shaaciyay inuu is casilay.

Axmed Kismaayo ayaa sheegay inuu gudbiyay waraaqdiisa iscasilaada Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, uuna ka aqbalay.

Sababta iscasilaadiisa ayuu ku sheegay inay ka dambeysay arrimo isaga u gaar ah, isagoo magacaabistiisa uga mahad celiyay Madaxweyne C/wali Gaas.

Axmed Kismaayo ayaa Gudoomiye u ahaa guddi ka kooban 9 xubnood oo bishii 2aad ee sanadkan 2016 uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Waajibaadka guddigan ayaa waxaa ka mid ahaa inay Puntland u diyaariyaan hanaanka asxaabta badan ee ay horey Puntland ugu fashilantay in la hirgaliyo, waxayna iscasilaadan dhabar jab ku tahay qorshihii arintaas la xiriiray ee uu waday C/wali Gaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook