opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gudoomiyihii Al Shabaab ee Ceelbuur oo Shaaciyey Arin yaab Leh iyo Dadkii Lagu Amray inuu Gowraco +Video

skjermbilde
FacebookTwitterGoogle+Share

Taliska Nabad Suggida ee Maamulka Jubbaland, ayaa Isniintii Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay laba nin, oo sida la sheegay ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Labadan nin, ayaa mid ka mid ah waxaa lagu sheegay Gudoomiyihii Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa Degmada Ceelbuur, iyadoona magaciisa lagu sheegay Nageeye Cabdi Shiilow.

Madaxa Dembi Baarista ee Nabad Suggida Jubbaland, Korneyl Axmed Muuse, ayaa Warbaahinta u sheegay in Sarkaalkaasi uu isa soo dhiibay maalintii Axada, oo taariikhdu ku beegneyd 20-kii bishan.

Axmed Muuse, ayaa ninka labaad magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan Cabdi (Qadaab), kaasoo sida uu sheegay isa soo dhiibay 21-kii bishan, oo ku aadaneyd Isniintii shalay.

Qadaab, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu marar badan goobjoog u ahaa Shabaabka, oo si xaqdarro ihi u gowracaya dad ka horyimid in xoolahooda nool laga kaxeysto.

Jubbaland waxay ka mid tahay Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan, ee dagaalka adag kula jira mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook