opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guuleed Iyo Gaas Oo Ku Heshiiyey Saddex Qodob +Sawirro +Cod

galkacyo9
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu soo gebagebeeyay shirkii u dhaxeeyay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Shirkani oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota dowladda iyo beesha caalamka ayaa laga soo saaray qodobo ka kooban illaa seddex qodob.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, Raysal wasaare Sharmaarke iyo danjire Keating ayaa ka wada qeyb galay shirka.

Qodobada seddexda ah waxaa ugu muhiimsan in la kala qaado ciidamada isku horfadhiya galbeedka koonfureed ee Gaalkacyo si shacabku ay dib ugu soo laabtaan guryahooda magaaladaasi Gaalkacyo.

Qodobadani ayaa ka soo baxay:

1- Ciidamada la kala qaado sida ugu dhaqsiyaha badan
2- In La Magacaabo guddi laba dhinac ah oo arrinta kala qaadista ciidanka ka shaqeeya
3- In 20-ka bishaan la isugu tago magaalada Kismaayo si loo dhammeeyo waxyaabaha dhaliya dagaallada gobolka Mudug ku soo laablaabtay

Dadkii shacabka ahaa ee deganaa magaalada Gaalkacyo ayaa weli ku maqan dibadda magaaladaasi iyadoo ay ku heystaan xaalado dhanka nolosha ah oo adag.

galkacyo1 galkacyo2 galkacyo3 galkacyo4 galkacyo5 galkacyo6 galkacyo7 galkacyo8 galkacyo9 galkacyo10 galkacyo11 galkacyo12 shirka

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook