opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo War deg deg ah ka soo saaray Jahwareer Maanta ka jiray Muqdisho +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Iyadoo Maanta Gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in laga qaadaayo lacago aad u farabadan oo aysan awoodin ayaa arintaas waxaa ka hadlay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale iyo sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan sharci aheyn lacagta laga qaado gaadiidleyda gobolka Banaadir ee lagu sheegay Ceymiska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkad si gaara loo leeyahay in aysan qaadi karin lacagaha canshuuraha ee laga qaado Gaadiidleyda dalka.

Sidoo kale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto sababta keentay in shirkad si gaara loo leeyahay in gacanta loo geliyo Ceymiska dalka

Gaadiidleyda ayaa sheegtay in ay ogol yihiin lacagtii ay ka qaadi jirtay dowladda Soomaaliya ,laakiin ay jiraan lacago lagu sheegay caymis oo ay ka qaado shirkad Gaadiidleyda u soo martay dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa shir jaraa’id ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho, waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan lacago xad dhaaf ah oo laga qaado Gaadiidleyda, taas oo aan waxba loogu qaban, inkastoo lacagaha Maamulka Gobolka Banaadir uu qaado wadooyinka lagu dhiso.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in hada ay soo baxday shirkad cusub oo Takaaful la yiraahdo, taas oo si cad Gaadiidleyda uga qaada lacago ay ku sheegeen Ceymis, waxaana ay sheegeen in ay adeegsanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka.Hanti dhowraha Guud ee Qaranka  Dr Nuur Faarax Jimcaale iyo sidoo kale Garyaqaanka guud ee Qaran   Cusmaan Cilmi Guuleed oo maanta Shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay Banaanbax ay dhigeen Gaadiidlayda Muqdisho oo ka cabanayay Lacago Xad dhaaf ah oo laga qaado iyo sidoo kale cabsha ay ka muujiyeen shirkada Caymiska Gaadiidka ee Takaful.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan sharci aheyn lacagta laga qaado gaadiidleyda gobolka Banaadir ee lagu sheegay Ceymiska ku waas oo aan wax loogu qaban gaadiid layda.

Waxaa uu  sheegay in Shirkad si gaara loo leeyahay in aysan qaadi karin lacagaha canshuuraha ee laga qaado  Gaadiidleyda dalka kuwaas oo caqabad ku ah Gaadiidlayda iyo shacabka intaba.

Sidoo kale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka DR Nuur Faarax oo Halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa  sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto sababta keentay in shirkad si gaara loo leeyahay in gacanta loo geliyo Ceymiska dalka.

Ma jiro shirkada gaar loo leeyahay oo caymiska gaadiidka qaabilsan waxaana ugu baaqeen dowlada soomaaliya iyo wasaarada Maaliyada soomaaliya in arinkaasi wax ka qabato.

Gaadiidleyda ayaa sheegtay in ay ogol yihiin lacagtii ay ka qaadi jirtay dowladda Soomaaliya ,laakiin aysan jiraan lacago lagu sheegay caymis oo ay ka qaado shirkad Gaadiidleyda u soo martay dowladda Soomaaliya.

shir jaraa’id Shalay waxaan Magaalada Muqdisho  ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Gobalka Banaadir waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook