opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Hordhac Kulanka Manchester United v West Ham + Zlatan Oo Ganaax Kasoo Noqday

west-ham-united-vs-manchester-united
FacebookTwitterGoogle+Share

Manchester United ayaa dib u heleysa Zlatan Ibrahimovic kulamada Premier League-ga kadib markii uu ganaax ku seegay ciyaartii Arsenal ee ka dhacday Masraxa Riyada, waxeyna maanta soo dhaweynayaan wiilasha Jose Mourinho kooxda London ka dhisan ee West Ham taasoo xagaagan ay ka wareersan tahay.

Henrikh Mkhitaryan iyo Wayne Rooney ayaa filanaya iney boos ka helaan shaxda West Ham kadib markii ay wacdaro muujiyeen kulankii Feyenoord ee UEFA Europa League.

West Ham haatan waxey fadhisaa booska 17-aad ee horyaalka, balse guul ay gaarto waxey ka saacidi kartaa iney soo tiigsato booska 11-aad.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester United vs West Ham United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Jon Moss (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Mourinho, ayaa rajeynaya inuu dib ugu yeero safkiisa hore goolhaye David de Gea balse wali waxaa dhaawacyo kaga maqan Eric Bailly iyo Chris Smalling, waana ku qasab inuu qiimeeyo inuu kulankii sadexaad kusoo bilaabo Michael Carrick 9-maalmood gudahood.

Hogaamiyaha West Ham Mark Noble ayaa dib uga soo laabanaya ganaax, balse daafacooda Winston Reid ayaa ku maqnaan doona ganaax hal kulan ah.

Pedro Obiang ayey macquul tahay inuu ciyaaro inkastoo uu todobaadkaan seegay tababarkii kadib dhaawac kasoo gaaray canqawga.

Dhanka kalana Andy Carroll ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, halka Reece Oxford, Sam Byram, Gokhan Tore iyo Arthur Masuaku aysan wali kasoo kaban dhaawacyadii ay qabeen.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaa lumisay kaliya laba jeer 23-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada horyaalka ky wajahday West Ham garoonka Old Trafford, 20-guul iyo 1-barbaro.

West Ham ayaan kusoo badin Old Trafford tan iyo May 2007 markaas oo ay 1-0 ku adkaadeen, Carlos Tevez ayaana shabaqa soo taabtay xilli Hammers ay ka badbaadeen u laabashada heerka labaad. Balse sideed kulan ayey guuldaro la kulmeen 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay dhamaan tartamada oo dhan halkaas ku ciyaareen.

Mourinho ayaa guuleysatay 7-ka mid ah 9-kulan oo uu kulamada EPL-ka wajahay West Ham, 1-barbaro iyo 1-guuldaro.

Anthony Martial ayaa dhaliyay dhamaan sadexdii kubad oo uu goosha ku aadiyay kulamada ay United tartamada oo dhan ku wajahday West Ham.

Rooney ayaa si toos ah uga qeyb qaatay 14-gool, 14-kiisii kulan ee ugu dambeeyay oo uu West ham ku wajaho tartamada oo dhan. (11 gool, 3 caawinaad), balse goolna kama dhalin, mana caawin 3-dii kulan ee ugu dambeysay.

Michail Antonio ayaa barbaro la noqday rikoorka goolasha EPL-ka ee madaxa lagu dhaliyo sanad gudaheed, wuxuuna la heer yahay Tim Cahill oo 11-gool dhaliyay 2010.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Shaw; Herrera, Pogba; Mata, Rooney, Mkhitaryan; Ibrahimovic.

West Ham (3-4-3): Randolph; Ogbonna, Collins, Kouyate; Cresswell, Noble, Obiang, Antonio; Payet, Shakho, Lanzini.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook