opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Horyaalkee Laga Heli Doonaa Xiddigaha Badalaya Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

rm
FacebookTwitterGoogle+Share

Tottenham macalinkeeda Mauricio Pochettino ayaa aaminsan in xiddiga xiga ee lahaan kara tayada Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo uu kasoo bixi doono horyaalka English Premier League, isagoona dafiray wax soo saarka horyaalka La Liga dalka Spian.

“Nuuca ciyaariyahan ee labadaas xiddig ma soo muuqan doono dhawaan ama sanadadan soo socda, Real Madrid iyo Barcelona labadoodaba ma awoodaan in ay helaan badalka saxda ah ee xiddigahan, awooda dhaqaale ee England ayaa keeni karta in laga dhex helo Lio iyo Cristaino, qof waliba ayaa xiiseynaya in uu kasoo muuqdo horyaalkan, taas ayaa ku riixeysa in laga helo Messi ama Ronaldo oo kale,” ayuu u sheegay Mauricio Pochettino wargeyska Marca ee Spain fadhigiisu yahay.

Si kastaba ha ahaate nagacyo sida Neymar iyo Gareth Bale ayaa la aaminsan yahay in ay noqon karaan kuwa badala Marka uu dhamaado gu’ga guulaha ee Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo, balse dunida ayaan ku fakarayn in la heli karo dhawaan magacyo u loolama sida ay labadan shaqsi kubada cagta ugu dagaalameen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook