opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo & muran cusub oo soo kala dhex galay Puntland & Galmudug

FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo wali magaalada ku sugan yihiin Madaxda labada dhinac, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka socda Qaramada Midoobey.

Sida ay sheegayaan wararka labada dhinac ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo qaadayo ciidamada is hor-fadhiya, waxaana laga cabsi qabaa inuu bur buro heshiiskii nabadda Gaalkacyo ee ay labada Madaxweyne saxiixeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odayaasha ka soo jeeda Puntland ay ka hor-yimaadeen dalabka Odayaasha dhinaca Galmudug oo ahaa in ciidamada Puntland laga qaado halka ay joogaan, si la mid ahna kuwa Galmudug iyana looga saari doono aagga.

Odayaasha Puntland ka soo jeeda ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay bartooda ku sugan yihiin, isla markaana ay joogaan xerooyinkooda, sidoo kale Odayaasha Galmudug ayaa iyana dalbanaya in marka hore la joojiyo dhismaha maxjarka, taasna uu xal ku imaan karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay labada dhinac, waxaana uu quus ka taagan yahay tanaasul la’aanta labada dhinac.

Lama oga sida Ra’iisul Wasaaruhu ugu guuleysan doono odayaasha labada dhinac ee kala aragti duwanaanshahooda uu sii xoogeystay, iyagoo shuruudo adag la yimid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook