opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Jose Mourinho” Cayaartoyda Man United Ma aha kuwo Maskixiyan Fiyoow +Video

1-35
FacebookTwitterGoogle+Share

Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa Weerar Cad ku qaaday Cayaartoyda kooxdiisa kadib Guuldaradii Xanuunka badanayd ee uu kala kulamya Naadiga dalka Turkiga ee Fenerbahce Waxaana uu ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan Maskax lahayn isla Markaana aysan jirin yool ay Higsanayaan.

Jose Mourinho ayaa Markii Cayaartu dhamaatay sheegay in Mas uuliyada Guuldaradii ku dhacday ay qaadayaan Cayaartoyda Man United waxa uuna yiri inaga oo dheeleyna Kulan adag oo koobka Europa League ah ayey u dheeleen sidii aan Cayaareyno Kulan Saaxiibtinimo taasna waa ceeb ayuu yiri Macalin Mourinho oo aad u Xanaaqsan.

Mourinho oo sii hadalaya ayaa yiri Waxaan u sheegay in aan u socono Ciida dalka Turkiga Waxaan uga sheekeeyey Cayaartoyda Kooxdeyda waayo aragnimada aan u leeyahay Marka lagu dheeleyo Ciida Turkiga Waayo 2 Mar ayaan ku dheeley aniga oo Macalin u ah Real Madrid 2 anigoo wata Chelsea 2 na FC Porto laakiin maqaadan Waanadii aan waaniyey ee si doqonimo ah ayey u Cayaareen.

Hogaamiyaha Manchester United Jose Mourinho ayaa sidoo sheegay in uu dhaawac uu soo gaaray Paul Pogba uuna ka maqnaan doono kulanka Horyaalka England ee ay aadi doonaan Swansea City waxaana uu sidoo kale cadeeyey in Rajo ahaan ay qabaan in ay ka soo gudbi doonaan Gruubka ay kujiraan ee Europa League Maadaama ay 6 dhibcood isla markaana 2 kulan ay ku dheeli doonaan Garoonkooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook