opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Hogaamiyayaasha Al-Shabaab

ahmed-dirie
FacebookTwitterGoogle+Share

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal Geele ayaa sheegay inay jiraan khilaaf ka dhex taagan Al-shabab gudaheeda iyo hogaamiyaal iyaga ka tirsan oo ku xanuunsanaya Jubooyinka.

Wasiirka ayaa Tilmamay in Hogaamiyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku Xanuunsanayaan Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana uu intaa ku daray Wasiir Geelle in Isgaarsiinta Jubbooyinka ay Shabaab u jarayaan si aan loo Ogaan Khilaafka ka dhex jira iyo Hogaamiyaasha iyaga ka tirsan ee Xanuunsanaya.

Wasiir Geelle ayaa sidoo kale sheegay in Boqolaal kamid ah Shabaabka ay hadda ku jiraan Xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Jilib iyo Bu’aale oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada Dhexe islamarkaana ay u Xiran yihiin kala Shakin dhexdooda ah.

Hadalka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Al-shabaab ay dhowr jeer jareen Isgaarsiinta Gobolada Jubbooyinka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook