opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Kismaayo Mid ka mida Ergada soo dooraneysa Xildhibaanada oo Galabta Tooreey lagu dilay

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Labo Nin oo ka mid ah Ergada soo Xuleysa Baarlamaanka Soo socda oo ku sugnaa Magaalada Kismaayo ay Galabta Tooreey isla dhaceen,waxaana dhintay mid kamid ah ,halka midka kale uu dhaawac soo gaaray.

Goobjoogeyaal ku sugam Magaalada Kismaayo ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Labada Nin ee midna uu dhintay kan kalena dhaawacmay uu dhexmaray Muran Xoogan oo ku aadanaa qaabka ay u soo xulayaan Xildhibaanada soo socda iyo sida Jufooyinka Beelaha ay u qeyb sanayaan Xildhibaanada.

Ninka dhintay iyo sidoo kale midka dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay isku Beel ka soo wada jeedaan.

Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa la dhigay Dhaawaca Ninka Dilka geystay,waxaana jirin wax war ah oo ka soo baxay weli Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Maamul Goboleed iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland intaba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook