opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Lionel Messi u badalay shabadii lugta kaga tiilay +SAWIRRO

mmm
FacebookTwitterGoogle+Share

Lionel Messi ayaa dib ugu laabtay dalkiisa isla markaana bilaabay tababarka xulkiisa qaranka ee Argentina isagoo halkaa ku soo bandhigay shabad yaab leh oo qarisay gabi ahaan shanshada lugtiisa bidix.

Kabtanka xulka Argentina ayaa madoobeeyay inta ka hooseysa jilibka lugtiisa bidix marka laga soo togo meelo ay kaga sawiran tahay kubbad iyo No.10,waxaana markii hore ugu sawirnaa sawirro cunugiisa iyo sawir kubadda balse waa uu badalay shalay,

Messi ayaa markii hore shaabad ku xardhay lugtiisa bidix, waxaana ay aheyd farshaxan isagu jira ubax, lambarkiisa 10 iyo weliba magaca wiilkiisa Thiago, laakiin haatan uu ku maqan yahay xulka Argentina waxaa lagu sawiray isagoo wax ka bedelay shaabada lugtiisa bidix.

Waxa uu inta badan ka dhigay midab madow iyadoo kaliya ay ka muuqato lambarkiisa 10 iyo labo gacmood oo laga sawiray wiilkiisa Thiago.

Midabka madow ee uu lugta isaga shaabadeeyay waxa ay qarisay ubaxyo, garbo, kubad iyo seef lugta uga sawirnaan jirtay.

Wax waba oo ay sababta tahay, Messi ayaa rajeynaya inuu ka caawiyo xulkiisa Argentina inay dhanka kale u rogaan nasiibkooda isreebreebka Koobka Adduunka.

Waxa ay haatan ku jiraan kaalinta lixaad ee isreebreebka South America, waxaana ay u baahan yihiin inay soo gaaraan kaalinta afaraad si ay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka, kulankooda soo socda waxa ay marti u yihiin xulka Brazil oo ay kula ciyaarayaan Belo Horizonte.

3a2f4c7000000578-0-image-a-42_1478639604025 3a2f7b9a00000578-0-image-a-57_1478639818506 3a2f7be300000578-0-image-a-54_1478639774129 3a2f53c400000578-0-image-a-43_1478639613119 3a2f55be00000578-0-image-a-41_1478639596869 3a2f90c500000578-3918128-image-m-61_1478641990149 3a2f90d200000578-3918128-image-a-62_1478642023247 3a2f950600000578-0-image-a-65_1478643629783 mmm

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook