opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Liverpool oo 2-0 kuqusisay Sunderland +Sawirro

2
FacebookTwitterGoogle+Share

Liverpool ayaa guul muhiim ah Anfield kaga gaadhay kooxda Sunderland oo difaac adag oo cajiib ah dhibaato ugu abuuri gaadhay Liverpool waxaana Reds guushan ka caawiyay Origi iyo Milner. Liverpool ayaa ugu yaraan si ku meel gaadh ah ula wareegtay hogaanka Premier Leaque-ga iyada ka qaaday Manchester City oo waqti kooban hogaanka sii haysay waxayna Liverpool ka war sugi doontaa natiijada kulanka Stamford Bridge ee Chelsea iyo Tottenham.

Liverpool (4-3-3): Karius; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Wijnaldum, Henderson, Can; Mane, Firmino, Coutinho.

Kaydka:: Lucas, Mignolet, Moreno, Origi, Ejaria, Woodburn, Klavan.

Sunderland (4-4-2): Pickford; Jones, Kone, O’Shea, Van Aanholt; Pienaar, Denayer, Ndong, Watmore; Anichebe, Defoe.

Kaydka:: Mannone, Larsson, Khazri, Manquillo, Gooch, Januzaj, Love.

Liverpool ayaan qaybtii hore ee kulankan samayn bandhigii laga filayay waxayna dhaafi wayday difaaca isdaba yaalay ee uu David Moyes la soo galay Anfield. Liverpool ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay isla markaana heshay fursado badan oo goolal lagu dhalin kari lahaa laakiin gool dhaliyaasha Liverpool ayaa ku dhibtooday qaybtii hore ee kulankan.

Warka ugu wayn uguna xumaa ee qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa in Philippe Coutinho dhawaac halis ah oo canqawga ka soo gaadhay ciyaarta looga dhex saaray wuxuuna awoodi waayay in uu lugihiisa isku taago taas oo walwal iyo cabsi wayn ku abuurtay Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool. Origi ayaana lagu soo badalay xidiga ree Brazil oo ay si wayn jamaahiirta Anfield isugu taageen markii ciyaarta laga dhex qaaday.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee kulankan samaysay 10 darbo laakiin 3 ka mid ah ayaa bartilmaameedka goolka helay balse may noqon kuwo goolal lagu dhaliyay halka Sunderland ay guud ahaan samaysay 4 darbo oo kaliya isla markanaa ay hal darbo oo kaliya bartilmaameedkeeda heshay. Liverpool ayaa qaybtii hore ee kulankan haysatay boqolkiiba 79% boosishanka ciyaarta.

Qorsha David Moyes ee kulankan ayaa ahaa in kooxdiisu ay difaac buuxa ku jirto isla markaana ay weerar rogaal celis deg deg ahku raadiso goolal laakiin qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay babraro gool la’aan ah iyada oo culaysku saarnaa kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool halkeeda ka sii waday dadaalkii ay qaybtii hore ku fashilantay waxayna markale noqotay kooxda markasta gool laga filan karo laakiin Sunderland ayaa sii adkaysatay difaaca ay niyadjabka ugu abuuraysay Liverpool.

DAQIIQADII 54 Emre Can ayaa kubbad cajiib ah goolka Sunderland u hordhigay James Milner kaas oo kaliya u baahnaa in uu kubbada shabaqa ku taabto laakiin difaaca Sunderland ayaa awooday in ay halista iska saaraan, waxayna ahayd fursad aad u halis badan.

Liverpool ayaa si joogto ah weerar ugu haysay goolka Sunderland laakiin waxay xal u la’aayeen qaabkii ay ku dhaafi lahayaeen difaaca Sunderland.Laakiin Liverpool ayaan ka daalin in ay raadiso goolka inkaarta ku noqday ee ay Sunderland baskaga gooka kaga baakimatay.

DAQIIQADII 75 AAD GOOOOOOOOOL! Ugu danbayn Liverpool ayaa neefta iska soo saartay kadib markii uu Divock Okoth Origi gool cajiib ah uu ku qalbi jabiyay kooxda sida layaabka leh u difaacatay ee Sunderland isaga oo kubbad uu difaaca ka soo farsamaystay shabqa Blac Cata ku hubsaday waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool ugu danbayn ku jabisay iska caabintii Sunderland.

Sunderland ayaa ku qasbanaatay in ay badasho qorshaheedii ciyaarta ee ay waqtiga dheer soo waday waxayna bilawday in ay difaaca ka soo baxdo oo ay raadiso goolka barbaraha laakiin Liverpool ayaa markan heshay fursad ay goolal kale ku raadin karto.
DAQIIQADII 89 AAD REKOODHE! Sunderland ayaa musiibo kale isku sii gaashay kadib markii Denayer uu qalad ku galay Sadio Mane oo kubbad la soo galay xerada ganaaxa Sunderland wuxuuna garsooruhu si sahlan ku tilmaamay in rekoodhe ay tahay.

DAQIIQADII 90+1 GOOOOOOOOL! James Milner oo boqolkiiba boqol soo dhaliyay dhamaan rekoodhayaashii uu Liverpool u tuuray ayaa kubbada qaatay wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka labaad ee rajadii Sunderland dhulka ku sii jiiday wuxuuna Milner ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Reds hogaanka ku sii dheeraysatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Liverpool ku garaacday kooxda difaaca kaga yaabsatay ee Sunderland, waxayna Liverpool markeeda hogaanka Premier Leaque-ga si ku meel gaadh ah kala wareegtay Manchester City oo lafteedu waqti kooban hogaanka si ku meel gaadh ah u haysay waxayna Reds ka war sugi doontaa kulanka Chelsea iyo Tottenham.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook