Maamulka Shirkadii Sababta u aheyd Rabshadaha Maanta ka dhacay Muqdisho oo si Layaab leh u hadlay +COD

Guddoomiyaha Sharikadda Ceymiska ee Takaaful Max’ed Cabdi Max’ed ayaa hadlay shaqo joojinta ay maanta ku dhaqaaqeen Gaadiidleyda Muqdisho oo ka biya diiddan Ceymis uu soo rogay Maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana lagu amrayay gaadiidleyda in ay ceymiskaas galaan.
Max’ed waxaa uu sheegay in Sharikaddooda ay ka madaxbanaan tahay Dowladda islamarkaana tahay sharikad ay leeyihiin Ganacsato gaar ah oo ka madaxbanaan Siyaasadda.
Waxaa uu sheegay sharikadda aysan qasbeyn gaadiidleyda maanta ku dhaqaaqay shaqo joojinta islamarkaana ay tahay howshaasi mid ay waddo dowladda Soomaaliya.
Gaadiidleyda ayuu u jeediyay in ay qaataan ceymiska oo uu sheegay in uu dan u yahay milkiilayaasha Gaadiidka.
Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com