opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Galmudug oo ka digay Weeraro ay Al-Shabaab ka geystaan Galmudug +Cod

guuleed
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Ammaanka Deegaanada Galmudug,waxaana uu ka digay Weeraro ay Al-shabaab ka geystaan Galmudug inta lagu guda jiro Doorashada.

Madaxweynaha Galmuudg ayaa Ciidamada Ammaanka Galmudug Faray in ay galaan Feejignaan Dheeri ah islamarkaana ay ka hortagaan Weeraro ay Macquul tahay in ay soo qaadaan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

“Galmudug waxaa ka dhaceysa Doorashada Aqalka Hoose waxaan farayaa Ciidamada Amniga iyo kuwa AMISOM in ay ka Digtoonaadaan Weeraro uga yimaada Shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ku soo dooraneysa Baarlamaanka Soo socda ee Dowladda Dhexe,waxaana la adkeeyay Ammaanka Magaalada Cadaado.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook