opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llahi Cosoble oo Kahadlay Shirkii Imaaraadka +Cod

cali-cabdullaahi-cosoble
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llahi Cosoble,ayaa ka hadlay Shirkii Waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta ay ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Dowladda Imaaraadka ay galaangal ku yeelaneyso siyaasadda Soomaaliya islamarkaana u kulmisay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sidii ay u heli lahayd in Doorashada soo socota uu madaxweyne ka noqdo Nin aamisan aragtida Imaaraadka danaheedana fuliya.

Madaxweyne Cosoble,ayaa beeniyay in xitaa wax khuseeya Siyaasadda Soomaaliya looga hadlay shirkii Imaaraadka,waxaana uu warar been abuur ah ku tilmaamay dadka warkaasi baahiyay.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha soo socdo uu ku guuleysanayo qofkii uu calaf ugu daro Xildhibaannada la soo xulayana ay dooran doonaan qofka noqonayo madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in maalinta Axadda ee soo socota uu Maamulka Hirshabeelle wareejin doono xubnaha aqalka sare ku matalaya maamulkaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook