opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ku dhaawacmay iska horimaadkii ka dhacay Jowhar

guudlaawe
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaad xalay Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabellaha Dhexe ku dhexmaray ciidanka ilaalada xarunta ay ka socoto doorashada aqalka hoose ee Hirshabelle iyo ciidamo ka amar qaata wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukumada Soomaaliya.

Iska hor imaadkaas waxaa ku dhaawacmay Wiil arday ah oo uu dhalay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Wiilka ayaa la sheegay iney rasaas Habow ah ay ugu tagtay Hoygooda oo ku yaalla meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu iska horimaadku ka dhacay, waxaana la dhigay isbitaalka.

Iska hor imaadkii Xalay ayaa yimid ka dib markii uu muran ka dhashay kursi ay ku tartamayeen Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux iyo musharax la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Foodcadde.

Musharaxiintan ayaa isku haysta kursi ka mid ah kuraasta Beesha Gugundhabe ay ku leedahay Xubnaha Aqalka Hoose, waxaana la filayaa in murankaas xal laga gaaro maanta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook