opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta la doortay +Sawirro

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa magaalada Garowe ka bilowday doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhaceysa xarumo kala duwan, isla markaana weli socota waxaa ilaa iyo haatan la doortay 6 xildhibaan oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada la Doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan waxay kala yihiin sida soo socota:

Beesha Ciise Maxamuud:

1– Waxaa ku guulaystay kursigeedii Cali Yuusuf Cali Xoosh, isagoo cod dhan 49 cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo helay 1 codoo qura.

Beesha Ogaaslabe:

2- Waxaa kursigeedii ku guuleystay Siciid Daahir oo 44 cod kaga guuleystay Faduumo Ismaaciil Bootaan oo iyaduna heshay 7 cod.

Beesha Dishiishle:

3- Waxaa ku guuleystay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28cod, iyadoo uu la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo isna helay 22 cod.

Beesha Madhibaan:

4- Waxaa helay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27 cod kuna qaaday cod hal-dheeri ah, Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa helay 24 cod, halka Zakariye Khaliif aanu wax cod ah helin.

Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli:

5- Waxaa ku guuleystay Axmed Ismaaciil Maxamed oo helay 38 cod, waxaana la tartamay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12 cod.

Beesha Cali Saleebaan:

6- Waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir oo helay 37 cod waxaana la tartamay C/samad Maxamed Abwaan oo helay 12 cod iyo Cabdixafid Cali Yuusuf helay 2 cod.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook