opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Magacyada iyo Beelaha Xildhibaanada Cusub ee Maanta lagu doortay Magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe

11
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa magaalada Garoowe maanta lagu doortay 6 xildhibaan oo ka mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka eek a imaanaya deegaanada Puntland.

Waxaa kuraasta loogu tartamay looguna kala guuleystay sida soo socota:

1-   Kursiga Kowaad ee Beesha Carab Saalax , Waxaa ku guulaystay Siciid Xuseen Ciid oo helay 48 cod, Halka Musharixii la tartamayey Maxamuud Rooble Maxamed uu isna helay 1cod, waxaana xumaaday hal cod.

2-    Kursiga kowaad ee Beesha Laylkase ,waxaa ku guulaystay Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32 cod.

3- Kursiga labaad ee Beesha Laylkase , Waxaa ku guulaysatay Siciido Maxamed Xasan oo heshay 43cod , Xaawo Cabdulaahi Maxamed Waxay heshay 8cod, Halka Shamsho Faarax Daahir heshay waxba (0).

4-    Kursiga kowaad ee Beesha Awrtable , Waxaa ku guulaystay Burhaan Aaden Cumar oo helay 51cod, halka Mowliid Maxamed Siciid helay waxba (0).

5-    Kursiga labaad ee Beesha Awrtable , Waxaa ku guulaystay Jaabir Maxamed Cabdi oo helay 32cod, Dr Ali Nuur Xuseen Ducaale Wuxu helay 19cod, halka Cabdikariim Axmed Maxamed uu helay waxba (0).

6-    Kursiga Sadexaad ee Beesha Awrtable, Waxaa ku guulaysatay Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo heshay 31cod, Luujiyo Yuusuf Xaraare heshay 19 cod. Ergadu waxay ahayd 51xubnood, hal cod ayaa xumaaday.

Magaalada Cadaado waxaa maanta ka bilaabatay wejiga labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxaa la doortay laba kursi oo ka mida aqalka hoose iyadoo la filayay in lix kursi lagu doorto fadhigii maanta.

Beesha Dir/Surre

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleysatay Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay tanaasushay Haweeneydii la tartameysay, waxaana tartan la’aan codeyn gacan taag ah ku heshay musharaxa kaliya ee tartanka ku haray.

Beesha Mareexaan/Wagardhac

Kursiga Labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-jecel) oo ay la tartameyeen Saddex xubnood oo kale, isagoo helay 29 cod.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook