opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Marouane Fellaini oo dhaawac looga Saaray Xulka dalkiisa Belgium

marouanefellaini
FacebookTwitterGoogle+Share

Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa lasheegayaa in laga Saaray Xulka qaranka dalkiisa ka dib markii uu dhaawac ku soo Gaaray Xerada Tababarka dalkiisa.

Marouane Fellaini ayaaan dheeli doonin sida lasheegay kulamada dalkiisu lacayaari doono dalalka kala ah Netherlands iyo Estonia kadib markii uu dhaawac soo Gaaray Xidiga Naadiga Man United.

Macalinka Xulka dalka Belgiumka Roberto Martinez ayaa sheegay in Xidiga Man United uu qabay dhaawac yar oo ka soo Gaaray Kulankii Swansea City ay ladheeleen balse hada Rasmiyan loo ogaaday in uusan dheeli karayn mana sheegin Cayaaryahan uu badalkiisa ugu yeeray ilaa hada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook