opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Neymar Oo xabsi dheer loo taxaabi doono +Video

xabsi
FacebookTwitterGoogle+Share

Dacwad oogayaal ku sugan Spain ayaa codsanaya in labo sano xabsiga loo taxaabo xiddiga Barcelona ee Neymar halka DIS ee ah shirkad qeyb wayn ka lahayd xuquuqda Neymar ay dalbeyso in ganaax adag oo shan sano ah la dul dhigo xiddiga reer Brazil kaddib markii ay ku soo eedeeyeen musuq ku aadan lacagihii lagula soo wareegay 2013-kii markii uu ku soo biirayay Barcelona.

Intaa oo kaliya ma hanee DIS waxay kaloo dalbeysaa in sideed sano xabsiga la dhigo madaxwaynaha iminka ee Barcelona iyo kii uu xilka ka badelay Josep Barthomeu iyo Sandro Rossell oo iyana musuq lagu soo eedeeyay.

Shirkadan ayaa xaq ahaan u lahayd saami gaaraya 40% qiimaha uu ugu wareegay Barcelana waxa ayna dalbatayshirkaddu in xabsi 5 sano ah lagu xukumo Neymar.

Waxaa suurtoobi weyday dalab la xiriiray in xabsiga la dhigo xiddigan , waxaana jirtay in la dalbaday xariga labo masuul oo kale muddo 8 sano gaaraysa badalkii la xiri lahaa aabaha Neymar 5 sano isla markaana lagu bedeli lahaa inta u dhaxeysa 159 ilaa 195 Milyan oo yuuro sababo loogu andacooday dhibaatooyin ka dhashtay heshiiskii Neymar uu Barcelona ugu biiray.

Balse mowqifka xeer ilaaliyaha guud ayaa noqday xariga Neymar muddo 2 sano ah bedelkii 10 Milyan oo Yuuro.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook