opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Obama & Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Trump oo ku kulmay aqalka cad +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Maraykanka Brack Obama iyo Madaxweynaha la doortay ee xilka kala wareegi doona Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Aqalka Cad.

Labada Nin ayaa waxay si rasmi ah u bilaabeen hannaanka xilka loogu wareejinayo maamulka xisbiga Jamhuuriga ee doorasada ku guuleystay.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Obama nin wanaagsan oo wax badan u soo qabtay shacabka Maraykanka, uuna rajeynayo iney marar badan kulmaan.

Hadalka labada nin ayaa si weyn uga duwanaa hadaladii kululaa ee la is dhaafsanayey ololihii doorashada, waxaana shirkooda jaraa’id uu ahaa mid kooban.

Obama ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrimo khuseeya siyaasadda gudaha iyo tan dibedda, isla markaana uu aad uga maqsuuday in Mr Trump uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo maamulkiisa xilka ka sii degaya.

Mr. Trump ayaa dhankiisa sheegay inuu jeclaan lahaa kulamo dheeraad ah oo uu mustaqbalka la yeesho madaxweyne Obama si uu khibradiisa ugu biiriyo.

Ololihii doorashada xiligii uu socday ayaa Mr Trump waxa uu wacad ku maray in uu meesha ka saari doono dhaxalka uu ka tegayo Obama, isagoo mar su’aal geliyay in Obama uu ku dhashay Maraykanka iyo in kale.

Obama ayaa isna xiligaas Trump ku tilmaamay nin aan u qalmin hogaaminta Maraykanka isla markaana kala qeybinaya shacabka wadankaas.

Kulankan ayaa ku soo aaday saacadihii la soo dhaafay ay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka ka dhacayeen dibed baxyo dhimasho iyo khasaare kale geystay oo looga soo horjeedo siyaasadaha Trump.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook