opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Prof. Dufle oo ku guuleystay Kursiga labaad ee xubnha aqalka sare ee Hirshabelle

prof-dufle
FacebookTwitterGoogle+Share

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa ku guuleystay Doorashada kursiga labaad ee xubnaha aqalka sare ku metelaya maamulka Hirshabelle oo ka socota magaalada Jowhar.

Kursiga labaad ayaa waxaa Prof. Dufle kula tartamay musharaxa Jaamac Xuseen Xaashi, iyadoo labada musharax ay ka soo wada jeedaan beesha degta degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa tirinta codadka ka dib ku dhawaaqay natiijada, waxayna sheegeen in Prof. Dufle oo helay 85 cod uu ku guuleystay doorashada kuriga labaad ee xubnaha aqalka sare ee Hirshabelle.

Jaamac Xuseen Xaashi oo ahaa Musharaxa laga guuleystay ayaa helay isna 12 cod oo kaliya wuxuuna u hamblayeeyey musharaxa ka guuleystay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa horey uga mid ahaa xildhibaanada Baarlamanka uu xiligiisu dhamaaday ee Somalia wuxuuna ka tirsan yahay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah.

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamay maanta Cismaan Axmed Macow oo ku guuleystay 73 cod iyo Cabdi Nuur Farey oo helay 24 cod.

Musharaxiin 23 gaaraya ayaa u taagan 8-da kursi ee Maamulka Hirshabeelle kaga soo aaday Aqalka sare, waxaana kursi walba ku tartamaya labo illaa afar musharax.

Xildhibaanada ayaa hadda loo fasaxay dukashada salaada duhur iyo qado, waxaana lagu balamay in hoolka doorashada ee magaalada Jowhar la isugu soo laabto 2:30 duhurnimo si loo dhameystiro doorashada lixda xubnood ee hartay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook