opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Prof. Dufle oo xaflad soodhawayn ah loogu qabtay Muqdisho +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey doorashada Senator Prof. Cismaan Maxamud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kaasoo dhowaan ku guuleystay inuu ka mid noqdo xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Somalia.

Xafladan oo aheyd mid aan loo kala harin oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa abaabulkeeda iska lahaa Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir iyo ardayda wax ka barata kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

Waxaa ka qeyb galay xafladan Masuuliyiin iyo arday ka tirsan Muasasada iyo Jaamacadda Banaadir, xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee baarlamanka Somalia, masuuliyinta Jaamacadaha kale dalka qaarkood, aqoonyahano, dhaqaatiir iyo marti sharaf kale, iyadoo intii ay munaasabadan socotay hambalyada ka sokow laga soo jeediyey taariikhda iyo waxqabadka Senator Prof. Dufle, waxaana si weyn loo xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xiliga burburka horumarinta iyo sare u qaadida adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada dalka.

Dr. C/raxmaan Macalin Fiqqi oo ah dhaqtar Soomaaliyeed xubina ka ah Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in guusha u gaaray Prof. Dufle ay tahay mid ay ku faani karto Jaamacadda Banaadir, uuna Prof-ku yahay shaqsi buuxin kara meel walba, isagoo xusay inuu wax badan u soo qabtay bulshada, loona baahan yahay in aqoonyahanada da’da yar ee soo kacaya ay ku daydaan.

Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in Prof. Dufle uu yahay nin ku sifoobay hogaamin, una qalma xilka uu ku guuleystay iyo mid ka sareeyaba.

“Ardayda Jaamacada Banaadir kaliya Macalin uma aheyn ee anagaba macalin ayuu noo soo ahaa, xiligii aan dhigan jirnay Jaamacadda Ummadda, isagoo sanadki 1986-dii tababar nagu siinayey Isbitaalka Digfeer, kaalinta iyo heerka uu gaarayna keligiis isuma gaarin ee wuxuu u gaaray Musasada Banaadir iyo ummada Soomaaliyeed oo dhan” ayuu yiri Dr. Biday oo ugu baaqay Prof. Dufle in xilka uu ku guuleystay uusan ka mashquulinin howlihii waxbarasho iyo Caafimaad ee ugu bulshada ugu adeegayey.

Gudoomyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyey qaban-qaabiyeyaashii xafladan oo uu sheegay iney tahay mid taariikhi ah oo lagu soo dhoweynayo guusha uu gaaray Prof. Dufle oo uu xusay inuu yahay halyey u kacay dalka iyo dadka.

“Waxaan u hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed oo helay Prof. Dufle oo ah halyey waxqabadkiisa aan la soo koobi Karin iyo madaalaha Jaamacadda Banaadir, waxaana hadda ka dib ugu yeereynaa madaalaha tayeynta adeegyada bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu Senator noqday, siyaasadana waxay ku fiican tahay in bulshada loogu adeego” ayuu yiri yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale Senator Dufle kula dardaarmay in xilka loo doortay uu uga faa’ideysto xoojinta howlaha u bulshada ugu adeegayo sida waxbarashada & caafimaadka, isagoo balan qaaday iney gacan ku siin doonaan gudashada waajibaadka Qaran ee loo doortay.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Xildhibaan Max’uud C/llaahi Yuusuf oo loo doortay xubinimada aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia oo hambalyo ka dib ILAAHAY uga baryey Senator Dufle inuu xilkiisa la garab galo, wuxuuna xusay in xaflada loo dhigay iyo dadka garbihiisa taagan ay muujineyso inuu yahay halyey la jecel yahay oo bulshadiisa wax badan u soo qabtay.

Waxa gunaanadkii xafladaas khudbad ka jeediyey Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, isagoo ugu horeyn u mahad celiyey ka qeyb galayaasha iyo Muasasada Banaadir oo xafladaas soo qaban-qaabisay, wuxuuna xusay in aqalka sare uusan ku meteleynin Jaamacad ama koox gaar ah balse uu ku metelayo bahda waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliyeed maadama buu yiri xilkan uu yahay mid Qaran.

“Waxaan ILAAHAY iyo hortiinaba ka balan-qaadayaa in xilkan la i doortay uusan iga mashquulin doonin howlihii adeegyada bulshada ee aan horey u hayey, howshan siyaasada illaa dowladii Carta ayaan ku soo jiray, waana isku waday sidaasoo kale ayaana iskugu soo wadi doonaa Insha Allaah” ayuu yiri Senator Dufle oo intaa ku daray inuu ka ka shaqeyn doono xoojinta tacliinta sare iyo tayeynta bahda Caafimaadka isagoo dhinaca kale ka sheekeeyey dhibaatooyinkii laga soo maray horumarinta adeegyada bulshada iyo guulaha laga gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladio dhexee dalka.

Hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran aya waxa sidoo kale ka jeediyey munaasabadan Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan Musasada Banaadir, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Banaadir (BUMSA) C/fitaax Axmed Shire, masuuliyiin ka kala socotay Jaamacadaha Xamar ka jira qaarkood iyo ururada bulshada, iyagoo Senatorka ugu duceeyey inuu xilka loo doortay Alle la garab galo, iyadoo xafladaas ay ku soo gebagabowday Jawi farxad leh.

























Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook