opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qaar ka mid ah Gudoomiyeyasha degmooyinka Muqdisho oo ka mid noqday musharaxiinta aqalka hoose

11
FacebookTwitterGoogle+Share

Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho ayaa ka mid noqday musharaxiinta ku loolamaya xildhibaanada aqalka hoose.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Heliwaa iyo Waaberi ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) iyo Xaawo-kiin Maxamuud Cali ayaa dhowaan gaaray magaalada Cadaado.

Labadan Guddoomiye oo ka soo jeeda Beelaha dega gobolka Galgaduud ayaa waxay ka mid yihiin musharaxiinta u tartamaya xubnaha Galmudug ku metelaya aqalka hoose oo dhowaan lagu dooran doono Cadaado.

Guddoomiyeyaashan ayaan iska casilin xilalka ay hayaan, waxayna doonayaan iney u tartamaan doorashada xubnaha aqalka hoose iyagoo haya xilalka ay ku magacaaban yihiin.

Ma cadda in maamulka gobolka Banaadir uu raali ka yahay iyo in kale in labadan gudoomiye degmo iyagoo xilal haya iney xilal kale u doontaan meelo kale, waxaana la sheegay in muddo bil ka badan ay ku sugan yihiin degmada Cadaado.

Guddiga doorashooyinka heer Qaran iyo kan heer Galmudug ayaan la ogeyn iney aqbali doonaan in masuuliyiin xilal ku magacaaban ay ka mid noqdaan musharaxiinta aqalka hoose.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook