opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Qarax xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Suuqa Beerta degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sababay khasaare aad u xooggan oo soo gaarey dad u badan shacab, lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, hase ahaatee goobta dad badan baa daadsan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta u dhigey nin ay sheegeen inuu isaga ka dambeeyey qaraxii maanta ka dhacay degmada Waaberi ee Muqdisho.

Ninkaan ayaa la qabtey isaga oo dhaawac ah, waxaana hadda gacanta ku haya sida la sheegay ciidamada Booliiska dowladda Federaalka, iyadoo baaritaan lagu hayo.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsigii wadey gaariga ku qarxay Muqdisho, iyadoo weli aaney Booliiska soo bandhigin caddeynta ah in shaqsiga ay sheegayaan uu qaraxaasi ka dambeeyey.

Xaaladda waa mid kacsan weli, qaraxii dhacayna waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo shacab ah, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook