opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Real Oo Ku Badisay 2 Gool Uu Ronaldo U Dhaliyay Xilli Sporting Iska Qasaariyeen Rigoore Bar-bar Dhac Ku Heli Kareen +Sawirro

2-40
FacebookTwitterGoogle+Share

Real ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Sporting Gijon 2/1 iyadoo aysan sugin waqti badan oo ay ku booqdaan goosha kooxdaas martidaugu aheyd waeeegga 13-aad ee La Ligaha
Ronaldo oo lahaa labada gool ayaa kan 1-aad ku dhaliyay rigooro daqiiqaddii 5-aad ee biloowga ciyaarta

Arintaas waxa ay ka nixisay Sporting Gijon oo mararka qaar ku guuleysan weysay in kubadda la qeybsadaan Real Madrid

Xilli Sporting Gijon dadaal ugu jireen goolka bar bar dhaca ayaa lagu helay gool kale oo madaxa ah waxaana sidaas sameeyay Ronaldo daqiiqaddii 18-aad

Ka dib dhacdooyinkaas kubadda waxa ay aheyd mid jawi ahaan deggan inkastoo qaabka ay u socotay ciyaarta laga filan karay gool

Dhamaadkii ayay Sporting Gijon heleen goolka bar bar dhaca waxana u saxiixay Carlos Carmona daqiiqaddii 35-aad waxaana lagu nastay 2/1

Qeybtii labaad hanaan ciyaareedka Real ma aheyn mid lagu maqsuudo waxan jiray ciyaartooy maqane joogi lagu tilmaami karay balse waxaa ka abaal mariyay taageerayaasha
Daqiiqadii 50-aad waxa ay taageerayaasha ku orinayeen Benzema iyo Danilo oo uu heer ciyaareedkooda aaa mid aan lagu qanicn

Kooxda Sporting waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni ku tiirsan waxaana laga filan karay goolka bar bar dhaca xilli Real ka muuqaty dabacasnaan ah in kubadda horay u jiidaan

Dhamaadkii guud ahaan waxaa kubadda haystaya kooxda martida ah oo ka faa`ideysaneysay hoos u dhaca ku yimid heer ciyaareedkii Real waxana laga filan kaarayay gool.

1
2
3
7
8
4
5
6

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook