opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shir Xasaasi ah oo u socda Mcheal Keating iyo C/wali Gaas iyo RW Cumar C/rashiid +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa wali Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ka socda shirkii u Dhexeeyay Wakiilka QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia Mcheal Keating iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Shirka ayaa salka ku haya Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana kulankaasi qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

Shirka socda ayaa waxaa ku biiray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo goobjoog ka ahaa kulamadii maalmahaani ka socday magaalada Gaalkac

Dhinacyada uu shirka u dhexeeyo ayaa dhaliilsan hirgalin la’aanta heshiiskii dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhexgalay Waxgaradka Mudugta Puntland kaasi oo ku aadan qaabka loo wajihi lahaa hirgalinta Heshiiskii dhawaan la kala saxiixday.

Shirkaani socda ayaa sidoo kale yimid kadib markii Ciidamada labada dhinac ay ka weecdeen Heshiiska Xabad joojinta, waxaana Heshiiska kadib halkaasi laga maqlaayay rasaas ay Ciidamadu is weydaarsanayeen.

Dhinaca kale, Shirka socda ayaa lagu wadaa in maanta mar kale laga soo saaro Heshiis lagu xoojinaayo kii hore.

Hoos Kadhagayso Hadalka Gaas

Hoos Kadhagayso Mid kamid ah Odayaasha Puntland

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook