opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taageerayaasha Hillary Clinton oo la yaaban natiijada codadka iyo sida ay wax walba isu bedeleen+Sawirro

5
FacebookTwitterGoogle+Share

Iyaddoo Qeybihii ugu dambeeyey ee Natiijada Codbixinta Mareykanka la marayo ayaa waxa Niyad Jab iyo Layaab ka soo haray Taageerayaasha Musharax Hillary Clinton.

Waxa la arkayey Qaar ka mid ah Taageerayaasha Mrs. Clinton oo Ilmeynaya, Qaar Dhabanada heysta iyo Kuwa Layaab uu ka soo horay, kuwaas oo lama filaan ay ku noqotay isbedelka ku yimid wixii ay filayeen.

Dhinaca kale taas bedelkeeda Taageerayaasha Trump ayaa la arkayey iyagoo aad ugu faraxsan Natiijada hordhaca ah ee la soo saaray.

Codadka gobolada Maraykanka badankood ayaa la tiriyey waxaana dhiman illaa dhowr gobol oo iyagaa xitaa wararku ay sheegayaan in tirinta codadka uu ku horeeyo qaarkood Trump.

Waxaa meesha ka baxay saadaalintii markii hore soo baxeysay ee sheegeysay in Hillary Clinton ay noqon doonto madaxweynaha Maraykanka, waxaana aad loola yaaban yahay isbedelka lama filaanka ah ee doorashadu ay la timid.

Fursadda keli ah ee Hillary Clinton ay guusha ku hanan karto ayaa la sheegay inay tahay iney ku guulaysato gobollada Pennsylvania, Michigan iyo Winsconsin, waana dariiqa keli ah ee ay Aqalka Cad u mari karto.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxaa noqonaya musharaxa hela 270 waxa loo yaqaan Electro Colegge, waxaana Trump uu heystaa 245 Electro Colegge, halka Mrs. Clinton ay leedahaya 215 kaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook