opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taliyihii Nabad ilalinta Gen. Johnson Mogoa oo la eryay +Kenya oo Carootay+ Video

lt-gen-johnson-mogoaof-kenya
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga carootay kadib markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa xilkii ka qaadey taliyihii ciidamada Nabad ilaalinta ee Koonfurta Suudaan oo u dhashay dalka Kenya.

Xil ka qaadista taliyaha reer Kenya ee Gen. Johnson Mogoa ayaa ka dambeysay fashil iyo fadeexad weyn oo ciidamada UN-ka ka soo gaartay howshii nabad ilaalinta ee Koonfurta Suudaan oo ay ku fashilmeen inay difaacaan dadka shacabka ah.

Warbixin laga diyaariyey rabshadihii ka dhacay bishii Luuliyo magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalintu ay difaaci waayeen dadka rayidka ee hortooda lagu kufsadey oo ay ka mid ahayeen haween u shaqeynaayey hay’adaha gargaarka.
Warbixinta aya si toos ah u eedeyneysa Gen. Johnson Mogoa oo u dhashey dalka Kenya una sareeyey ciidanka Qaramada Midoobey inuu hogaankiisu ahaa mid fashilmay, iyadoo shaqadii laga eryay warbixinta kadib.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa war kulul soo saartay iyadoo ku eedeysay Qaramada Midoobay inay kala tashan xil ka qaadista taliyaha, waxayna ku dooday in mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jubba inay ahayd mas’uuliyad wadareed aan loo raacan karin taliye qura.

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ciidankeeda ku sugan Suudaanta Koonfureed kala baxeyso iyadoo diidan xil ka qaadista lagu sameeyay Gen. Johnson Mogoa oo UN-ku ku sheegay taliye fashilmay.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Suudaanta Koonfureed oo ka mida kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa gaaraya 1200 askari iyagoo ka mida howlgalka UNMISS.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook