opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Tartankii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal oo u baaqday muran ka dhashay Ergooyinka

saabey-cosoble
FacebookTwitterGoogle+Share

Warar ay heleyso warbaahinta Wardoon.net ayaa sheegaya in Tartankii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa u baaqday muran iyo is qab qabsi ka dhashay Ergooyinkii wax dooran lahaa.

Doorashada Kursiga Beesha Warsangeli ayaa aheyd kursiga labaad ee lagu tartami lahaa maanta, balse waxaa uu dib uga dhacay, markii ergooyinkii la diiwaan geliyay qaarkood soo xaadiri waayeen.

Tartanka Kursigan ayaa ahaa midka ugu adag waxaana ku loolamaya C/qaadir Cosoble Cali oo difaacanaya Xildhibaannimadiisa iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus.

Labada nin ayaa maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay loolan aad u adag, waxaana dhaqaale badan ku bixiyeen ergooyinka dooranaya ee 51-ka xubnood.

Guddiga doorashada Heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa dib u dhigay doorashada Kursigan, kaddib markii uu buuxsami waayay kooramkii ay ku fariisan lahaayen ergooyinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ergadii taageersaneyd Musharax Muxiyadiin Jurus laga waayay xarunta doorashada, halka ergadii taageersaneyd C/qaadir Cosoble ay soo xaadireen.

Kooramka uu ku furmi lahaa doorashada Aqalka Hoose ayaa ah 41 ergo, balse waxaa xarunta ay ka dhici laheyd doorashada xaadirtay tiro sodomeeyo ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa muddo kama dambeys illaa caawa u qabtay in lagu soo xaliyo is qab qabsiga dhanka ergooyinka ka jira, si maalinta berri loo ambaqaado doorashada.

Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa la sheegayaa inuu saluugsan yahay Ergooyinka qaar oo badankood aaday dhinaca C/qaadir Cosoble.

Dhinaca kale waxaa iyana dib u dhacay doorashadii Kursiga Beesha Kabaale Wacbuudhan, kaddib markii uu iyana is qab qabsi iyo buuq kale uu ka dhashay ergooyinka beeshaas ee wax dooran laheyd.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa ku cadaadinaya Guddiga doorashada inay ergooyinka ay wataan siiyaan kaararka aqoonsiga.

Musharaxiinta Xildhibaanada ayaa kala boobaya ergooyinka wax dooranaya, iyadoo kala qoranaya ergooyinka hadba dhinac u janjeera, waxaana la bedelay liisas horay loo gudbiyay oo ergooyinka ahaa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook