opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Turkiga oo shaaciyay lacagaha uu bil kasta siiyo Dowladda Soomaaliya iyo Ceeb ku dhacday Soomaaliya+COD

FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeeysay shaacisay dhaqaalaha rasmiga ah ee ay bilwalba ay siiso dowladda Soomaaliya.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dowladda Turkiga oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Xukuumada Ankara bilwalba ay siiso dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 2-milyan oo doollar oo kaash ah, si ay mushaarka ciidanka iyo arrimaha kale ee xukuumadda ugu isticmaasho.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Turkiga ay taageero weyn ay siiso dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in dowladda Turkiga ay saldhig ciidan ay ka furatay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxkama jiraan , islamarkaana aysan jirin Saldhig uu Turkigu uu leeyahay oo ku yaalla Magaalada Muqdisho , Waxa uuna sheegay oo keliya in Magaalada Muqdisho ay ka furanaayaan xero loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay shaqooyin badan ay u qabato dadka Soomaaliyeed , waxaaana uu ku faanay in dowladda Turkiga safaarada ugu balaaran ee caalamka ay ka dhisatay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook