opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ugaaska Beesha Gaaljacel oo kaqeyliyay sida loomusuq masuqay Kurdigoda Kismaayo +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Iyadoo Beelaha Soomaaliyeed ay Cabasho ka keenayaan qaabka loo soo xulayo Xildhibaanadda Baarlamaanka ee Xilgaan ka soo socda qaar ka mid ah Magaalo Madaxyada Dalka Maamuladda waxaana arrintaa iyana Walaac ka muujiyey Guddiga Doorashadda oo Xaqiijiyey in ay jiraan Ku shubo iyo Masuqmaasuq ku aadan soo Xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Cabashadii ugu weyneyud waxay ka soo yeeryey Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed oo ka mid ahaa Ugaasyada 135 ka dib markii uu sheegey islamarkaana been abuur ku tilmaamey Doorashadii ka dhacdey Magaaladdaa Kismaayo ee Dhexmartey Maxamed Mukhtaar ibraahim oo ahaa Wasiirkii Badroolka iyo Macdanta iyo Cabdulaahi Shaacir oo Xildhibaan ka ahaa Dowladii Horey waxaa uu intaa sii raaciyey

“ Wixii ka dhacay Magaaladda Kismaayo waa mid aanan Fileyn waxaana eedda Dusha uga Tuurayaa Gudddiga Doorashada oo faragelin ku sameeyey Ergadii Beesha oo aan aniga si cadaalad ugu qaybiyey Beesha Gaaljecel gaar ahaan Beesha Doqon Diide sidoo kale Gudiga Doorashada waxay si Bareer ula Safteen mid ka mid ah tartamayaasha” waxaa uu intaas uu ku darey Ugaaska.

“Faragelinta Gudiga Doorashadda waxay keentey in si cadaalodaro ah ku soo saaraan Mudane Shaacir iyadoo sidoo Gabi ahaan la diidey ergadii Beesha gaaljecel ee aan Gacanteyda ku sii diyaariyey taas badeleeda la keensadey Ergo kale oo Been Abuur oo aan u dhalan Beesha Gaaljecel waxaan u soo jeedinayaa Gudiga Daoorashada Heer Federaal in ay Dib ugu laabtaan Kursigaas oo aan wax tartan ah ku imaanin sidoo kale Beesha Caalamka ee gallaangalkaku leh Doorashada in ay iyana dib u eegaan Kursigaas ”

Imaan Cali Xasan oo Wakiil u ahaa Ugaaska kana tirsan Nabadoonadda Beesha Gaaljecel gaar ahaan Beesha Doqon Diide sidoo kalena ka mid ahaa ergada ka qayb galeysa Doorashada oo isna ka hadlayey arrintaas waxaa uu yiri

“ Jufada Doqon Diide waxay si Cadaalad ah ku qaybsadeen ergadii 51 Xubnood anagoo raaceyna taladda Ugaas,waxaana sugeyney in aan ka qayb galno Doorashada oo ay ku tartamayeen saddex Musharax” ka dib maxaa dhacay

“Waxaa dhacay Cadaaladaro iyo wax laga Xumaado iyadoo meesha ku sugnaayeen Gudiga Doorashada Heer faderaal iyo Heer Gobol. Waxaan Sugeyney in Kursigaas lagu tartamo Codna lagu kala Baxo kii Calaf u yeesha uu ku soo baxo tiina ma dhicin waxaan Gabi ahaan la bedelo Ergadii aan sida Cadaalada ah ku soo Xulaney” ayuu yiri Imaan oo intaas sii raaciyey

“Waxaan ka dalbaneynaa Gudiga Daoorashada Dadban iyo weliba Beesha Caalamka ee Kor joogtada ka ah Doorashada in ay baaraan wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo gaar ahaan in ay Il gaar aha ku eegaan Kursigi Beesha Gaaljecel gaar ahaan Beesha Doqon diide oo aan aaminsanahay in aaney meeshaa Wax doorasho ah ka dhicin sidoo kale waxaan dalbaneynaa in la baaro sida Foosha Xun ee loola dhaqmey mid ka mid ah tartamayaasha ka dib markii Gudiga Dorashada Jubaland ku been abuurteen kuna sheegeen in uu bxiyey lacago Laaluusha.

Mid ka mid ah Nabadoonada Beesha oo isna ka Hadley Cadaalodaradii Beesha Gaaljecel lagu sameeee ayaa yiri “ Kursigaas Fergelin baa lagu sameeyey weliba waxaa Fergelintaa Horseed u ahaa Gudiga Doorashada si ay u soo saaraan mid ka mid ah Tartamayaasha oo iyagu ay wateen sidaa darteed waxaa ku baaqayaa in dib loo eego Kursigaas oo aan aaminsanahy in uusan Doorasho ku imaan.

cabdulaahi-shaacir wasiirka

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook