opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Waa sidee saaka xaalada magaalada Gaalkacyo oo shalay dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay..?!

14-1-660x330
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa saaka degan xaalada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo shalay dagaalo qaraar oo khasaare badan geystay ay ku dhexmareen ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in saaka wax rasaas ah aan la maqleyin balse xiisad colaadeed ay ka jirto magaalada, iyadoo ciidamada labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan goobihii ay shalay ku dagaalameen, waxaana suuragal ah in daqiiqad walba uu dagaalku dib u qarxo.

Qoysaskii magaalada ku haray ayaa shalay illaa saaka ka barakacaya magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay ka quusteen in xal nabadeed loo helo dagaalka halkaas ka socda oo si goos goos ah u soo jiitamayey muddo bil ah.

Ugu yaraan soddon ruux oo u ku jiro weriye ka howlgalayey magaalada Gaalkacyo ayaa ku naf waayey dagaalkii shalay halka ku dhowaad 80 kale ay ku dhaawacmeen.

Maamulada halkaas ku dagaalamaya ayaa u muuqda ineysan ka dhab ka aheyn xalinta dagaalkan daba dheeraaday oo magaaladii Gaalkacyo u bedeley meel haawaneysa oo wax nolol ah aysan ka jirin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook