opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

War Cusub oo ka soo baxay Dowladda Imaaraadka iyo Heshiiskii Labada Madaxweyne

index
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan Madaxda maamul goboleedyada ay ku yeesheen Magaalada Dubai ee xarunta Wadanka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in heshiis horudhaca laga gaaray colaadii u dhaxeysa maamulada Puntlad iyo Galmudug ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Hadii aan nahay dowladda Imaaraadka Carabta waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa heshiiska Madaxda maamulada puntland iyo Galmudug ay ka gaareen Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo , islamarkaana ku saleysan muranka dhanka xuduudaha” ayaa lagu yiri war lagu daabacay Wakaalada Wararka ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ka dib dhowr maalmood Imaaraadka Carabta uu wadahadalsiiyay Madaxda maamulada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle ayaa waxaa suurta gashay in heshiis laga gaaro colaadii ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waxaana laysku afgartay in loo xil saaro guddi Xal ka gaara Colaada ka taagan Gaalkacyo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya , islamarkaana dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay qeyb qaadan doonto sidii nabad buuxda loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook