opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Waraaqado ay ku qoran yihiin Fariimo Naceyb iyo Hanjabaad oo lagu daadiyay Masaajidyo…

maqaal
FacebookTwitterGoogle+Share

Kooxo Cunsuriyiin ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa Warqado ay ku qornaayeen Ereyo naceyb iyo hanjabaadyo isugu jiray waxa ay ku daadiyeen dhoor masaajid oo kuyaala gobolka California ee dalka Mareykanka.

Warqadahan oo lagu daadiyay ilaa sadex Masaajid ayaa waxaa ku qornaa hadalo naceyb ah, waxaana Qoraalada ku qornaa warqadahaasi Muslimiinta ku tilmaamayay in ay yihiin dad Wasakh ah lagana saari doono dalka Mareykanka.

Qoraalada ku qornaa warqadahan loo diray Masaajiyda kuyaala gobolka California ayaa muslimiinta loogu baaqaya in ay boorsooyinkooda ka xir xirtan dalka Mareykanka, waxa asidoo kale warqadahan lagu amaanay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump.

Gollaha Islaamka ee dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay warqadahan lasoo dhigay masjidyada kuyaala dalka Mareykanka, waxa ayna ugu baaqeen booliiska in baaritaano deg deg ah lagu sameeyo.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey looga bartay islaam naceyb, waxa uuna sheegay xiligii uu ololaha ku jiray in Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay yimaadana gudaha dalka Mareykanka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook