opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Warkii Ugu Dambeeyay ee Weerarkii Ohio +Cod

ohio5
FacebookTwitterGoogle+Share

Faaf haahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa wiil Soomaali ah oo oo toogasho lagu dilay kadib markii uu weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka.

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa C/risaaq Cali Cartan, wuxuuna ahaa arday 18 sano jir ah oo qaxootinimo uga tegay Soomaaliya. Telefishanka CNN ayaa ka soo xigtay saraakiisha dembi baarista federaalka.

Saraakiisha Mareykanka ee magaalada Ohio ayaa sheegay in la dilay wiilkan ardayga ahaa kadib markii uu Toorey ku dhaawacay 9 ruux oo mid ka mida xaaladiisu liidato, isagoo markii hore gaari uu watay weerarka u adeegsaday isagoo ku jiiray dad badan oo Jaamacadda ku sugnaa.

Gaariga loo adeegsaday weerarka ayaa la sheegay inuu lahaa qof ka mida qoyska wiilka weerarka geystay. Ardayda Jaamacadda ayaa soo xirtay qolalkooda iyadoo ku gooyay alaabo fara badan si aan loogu soo gelin.

C/risaaq ayaa la sheegay inuu si sharci ah ugu noolaa dalka Mareykanka ilaa 2014. Madaxa bedqabka dadweynaha ee Gobolka Ohio Monica Moll ayaa caddeysay in qofka weerarka geystay oo hadda dhintay lagu magacaabo Abdul Razak Ali Artan, waxayna intaas ku dartay inuu ka mid ahaa ardayda Jaamacadda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook