opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiir Fargeeti iyo Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo isku dhegan

collage
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa magaalada Baydhabo saaka ka socota maalintii 3aad doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee maamulka Koonfur, Galbeed, taasoo ay ka qeyb galayaan ergooyinka beelaha oo u kala codeynaya musharaxiin u tartamaya xilkaas.

Doorashooyinkii saaka dhacay ayaa waxaa ku soo baxay labo xildhibaan oo ka mid noqonaya xubnaha aqalka hoose kuwaasoo kala ah Aadan Ibraahim Dhaayow & Xasan Cali Max’ed ka dib ay ka guuleysteen raggii la tartamayey kuraasta beelahooda.

Doorashada ugu adag ee saaka ka dhacaysa magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku loolamaya wasiirka Maaliyada Somalia Maxamed Aadan Fargeeti oo doonaya inuu ku biro aqalka hoose iyo Maxamuud Macalin Yaxye oo ka tirsanaa baarlamanka uu xiligiisu dhamaaday, mar kalena doonaya inuu soo laabto.

Labada musharax oo ka soo wada jeeda beesha Disow ayaa maalamahan ka wada magaalada Baydhabo kulamo ay ku xod-xodanayaan ergooyinka wax dooranaya, waxaana la sheegay in musharaxintan ay dhaqaale badan oo u dhexeeyo shan illaa toban kun oo dollar ku kala iibsanayaan codadka ergooyinka.

Illaa 69 xildhibaan ayaa la filayaa in laga soo doorto degaanada maamulka Koonfur galbeed Somalia kuwaasoo ka mid noqonaya aqalka hoose, iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Baydhabo lagu doortay illaa 17 Xildhibaan.

maxamed-aadan-fargeetimaxamuud-macalin-yaxye

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook